Cudurka dilaaga ah ee dadka ku laynaya Soomaaliya

Image
Xaaladaha xanuunkan ayaa si weyn u kordhay maalmihii lasoo dhaafay iyadda oo dadka aysan ku baraarug-saneyn. [Photo: The Guardian]

GAROWE, Puntland – Koror badan ayaa laga dareemayaa kiisaska safmareenka Coronavirus guud ahaan Soomaaliya. Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, 3,441 qof oo laga baarey fayruskan halista ah waxaa laga helay 202 ruux.

Tiradan ayaa ka badan cadadka shaqsiyaadka uu soo ritay caabuqa saddexdii bilood ee kasii horeysay oo wadar ahaan dhan 133, iyadda oo dadka laga baarey ay tiradoodu dhan tahay 4,012 ruux guud ahaan waddanka.

Dhinaca dhimashadda, saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay inta la xisaabiyey waxay gaareysaa 19 ruux guud ahaan dalka. Saddexdii maalmood ee kasii horeysay waxaa la diiwaan-geliyey geerida 9 muwaadin.

Gobolka Banaadir ayaa halka dadka ugu badan uu ku laayey fayruska iyaddoo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey 22 geeri uu Covid-19 sababay, halka Puntland oo kaalinta labaad ah uu ku dilay 4 ruux.

Saraakiisha caafimaadka ayaa kororkan "naxdinta leh" u aaneeyay feejignaan la’aan, in aysan jirin wacyi-gelin abaabulan iyo dayacaad ay mas'uuliyadeeda wada qaadanayaan mas'uuliyiinta la doortey.

Khatarta laga cabsi qabo

Wacyigelin la’aanta awadeed, waxaa la rumeysan yahay in diiwaan-gelinta wasaaradda caafimaadka aan aad loogu kalsoonan karin maadaama ay jiraan kiisas badan oo ah dad uu cudurka soo ritay dhintayna ayaga oo aanan lagu karin tirokoobka saxda ah ee dowladda.

Arrimaha khatarta ah ee ka qeyb-qaadanaya faafitaanka caabuqa waa isu-imaatinada aan kala fogaanshiyaha lahayn iyo xirashada Af-saabka si gaar ah garoomada kubada cagta oo martigelinaya boqolaal dadwayne.

Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso oo ka tirsan Puntland ayaa lagu waramay in ay ka jiraan kiisas badan. Dowlad goboleedkan waxaa haatan ka soconaya tartan kubada cagta ah. Ciyaartoy iyo taageereyaal ka kala yimid gobolada ay magaalooyinkan hoostagana waxay ka qeybgalka u joogaan magaalada caasimada ah ee Garowe.

Tani ayaa laga cabsi qabaa in ay horseedo faafitaan horleh taasoo laga dareemi doono diiwaa-gelinta wasaaradaha caafimaadka sameeyaan bilooyinka soo aadan.

Sidoo kale, magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday tartamo kubada cagta ah waana mid kamid ah sababaha loo aaneynayo dhimashada badan ee gobolka Banaadir laga diiwaan-geliyey.

Sida ku xusan warbixinta 24 saacaad laha ee wasaaradda caafimaadka, tirada Guud ee kiisaska waddanka Soomaaliya oo dhan waa 15,658, bogsashada guudna waa 7,661, halka dhimashada guudna ay sii caga-cageyneyso 832.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM