Cumar Cartan oo dhexdhaxaadin doona kulanka derbiga ah ee Guinea iyo Equatorial Guinea

Image
Garsoore Cumar ayaa sanadkii 2018-kii loo doortay Garsoore caalami ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa caawa ka soo muuqan doona kulankii shanaad Tartanka Kubadda Cagta Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON 2023.

Garsooraha ayaa caawa noqon doona garsooraha dhexe ee kulanka derbiga ah ee u dhexeeya xulalka dalalka Guinea iyo Equatorial Guinea.

Kulan ciyaareedka ayaa dhici doona caawa 8:00 Fiidnimo saacadda geeska Afrika, xulka ku guuleysta kulankan ayaa wajihi doona xulka ka soo baxa ciyaarta Masar iyo DRC.

Garsooraha Soomaaliya ayaa maalmahan la hadal hayay, waxaana la isla dhex marayay sawirkiisa isaga oo gacanta qoorta uga haya weeraryahanka Algeria Youcef Belaili.

Garsoore Cumar ayaa bishii Diseembar sanadkii 2018-kii ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM