Filish oo qirtey in uu ku fashilmay fulinta balanqaad uu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish], ayaa qirtay in uu ku guuldareystay fulinta balanqaadkiisii ahaa furitaanka waddooyinka caasimada.

Mr Filish oo ka hadlayey munaasabad uu ugu dabaaldegay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la magacaabay ayaa qiil ka dhigtay "caqabado amni iyo siyaasadeed, Coronavirus iyo roobab aan abid la arkin".

Hase ahaatee, cudurdaar ama raaligelin ma uusan waydiisan shacabka caasimadda ee balanqaadkaas u sameeyay kana "gaabiyey" dhaqan-gelinta.

Magaala madaxda waddanka ayaa laba dhinac u kala qeybsan, iyaddoo aysan isku gudbi karin gaadiidka dadweynaha, waxaana lagu jaray dhegxaan. Tani waxay culeys dhaqaale ku noqotay muwaadiniinta.

"In aan dhegxaanta qaadno waxaan ku bedelanay in aan cadowga [Al-Shabaab] ku hujuumo fariisimaha gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ee kaabiga ku haya gobolka Banaadir iyo caasimadda," ayuu ka dhawaajiyey.

Inkasta oo aad loo dhaliilay, xiritaanka waddooyinka oo dhegxaan loo adeegsaday waxay kamid ahayd qorshaha amni ee dowladda waqtiga kasii dhacayo ku sugeyso ammaanka, wallow aysan baajin weerarada iyo dilka.

Intii munaasabadda socotay, Filish ayaa gabi ahaanba iska indhatiray ama aan soo hadal-qaadin falalka amni darro ee todobaadyaddii u dambeysay ay Al-Shabaab fulisay kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.

Sidoo kale, wuxuu ka aamusay dhibaatooyin ay kamid yihiin telefoon furashadda iyo dhaca oo maalmihii u dambeeyay aad ugu soo batay degmooyinka waqoyga magaaladda Muqdisho ku yaala sidda Kaaraan.

Wax ka qabashadda dhibaatooyinka dadweynaha wajahayaan wuxuu Cumar Filish kaga mashquulay olole siyaasadeed iyo jeedinta khudbado u adeegaya danaha Villa Soomaaliya iyo madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo.

Maadaama madaxda dowlada federaalka ay mashruuc siyaasadeed ka dhigteen metelaada gobolka, madaxweynaha ayaa mar walba soo magacaaba mas'uulka ugu sareeya taasoo ku qasbeysa in uu qaado jidka loo jiheeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM