Cutubyo ka tirsan ciidanka Haramcad oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari ayaa Axada maanta ah lagu waramay in ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa loo maleynayo miino oo ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran lagula eegtay degaanka Carbiska ee duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay muujinayaan macluumaadyada lagu kalsoon-yahay, askarta la beegsaday waxay kamid ahaayeen cutubyadda ilaaladda ka haya dhismaha wadada muhiimka u ah isu-socodka Muqdisho iyo Afgooye.

"Qaraxa jugtiisa waxay ahayd mid sareysa. Miinada waxaa loo maleynayaa in ay ahyad nooca booda. Askarta dhaawacantay waxaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo noloshooda," ayuu yiri goobjooge ka akdhowaa goobta wax ka dhaceen oo la hadlay Garowe Online.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dowladda Soomaaliya waxay inta badan dusha ugu ridaan mas'uuliyadda weerarada noocaan ah maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Xalay fiidnimadii ayay ahayd markii hal qof uu ku dhintay, saddex kalana uu ku dhaawacmay qarax miino oo gaari ay wateen booliska sidda gaarka ah u tababaran lagula eegtay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Gaariga la beegsaday wuxuu ahaa nooca aan xabadda karin. Dadka waxyeeladda kasoo gaartay waxay saarnaayeen Mooto Bajaajyo.

Todobaadkii hore, ku dhowaad 15 qof ayaa lagu dilay weerar qarax ku bilowday oo maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab gudaha ugu galeen Hotel Afrik oo ku yaala wadada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Falalka liddiga ku ah amniga way soo badanayaan xilli doorashada soo dhow-dahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM