Cutubyo kamid ah askarta Eritrea tababartey oo la geynayo Jubaland

Image
Sidda ay xogta sheegayso, Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa isfaham hoose ka gaarey qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wax ka badan kun askari oo ka mid ah ciidamadda ay Eritrea u tababartey Soomaaliya ayaa la filayaa in la geeyo Jubbaland, sidda ay xaqiijinayaan warbixinada lagu kalsoon yahay.

"Heshiis aanan wax badan laga ogeyn oo dhexmaray madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhigaya arrinkan," ayay ku dareen illaha.

Ciidanka ayay ayaa lagu waddaa la hawlgalaan, kana barbar dagaalamaan ciidamada Jubbaland, waxayna hawlgalo qorsheysan ka bilaabi doonaan degmooyinka Jilib iyo Afmadoow.

"Heshiiska labada dhinac oo uu qeyb ka yahay ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare oo ah siyaasi kasoo jeedda Jubbaland, Axmed Madoobana ay isku qoondo yihiin ayaa sidoo kale Jubaland waxaa lagu siinayaa saanad ciidan oo kala duwan," ayay ku dareen illo wareedyada.

Sidda ay macluumaadka caddeynayaan, inkasta oo ciidanka federaalka ay yeelanayaan taliskooda gaarka ah, balse talada hawlgalada, samaynta maamulada meelaha la xoreeyo iyo sida laga yeelayo xubnaha Al-Shabaab ee la qabto waxaa leh maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam.

"Axmed Madoobe ayaa ayaa ku adkaystay in wax kasta oo hawlgal ah oo federaalka ay qeyb ka tahay oo gudaha Jubbaland ka dhacaya laga galo jihada ay hadda Jubbaland gacanta ku hayso maamul ahaan haddii ay ahaan lahayd Jubada Hoose iyo Gedo," ayay caddeeyeen dad xog-ogaal ah.

Talaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaashu, waxay ka dhigan tahay in ciidan ka yimid jiho kale oo Jubaland aysan ogeyn aysan samayn karin hawlgal weyn oo lagu qaado goobaha Al-Shabaab.

"Sida qorshayaashan u fulaan ayay ku xirnaan doontaa hadba sida labada dhinac isula jaanqaadaan mustaqbalka ah, isku bogna uga noqdaan qaddiyado badan oo iman doona, taas oo ka mid tahay doorashada 2024-ta ee Jubbaland," ayay ku dareen illo wareedyada.

Ciidamadda illaa haatan laga soo celiyey waddanka Eritrea ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay 500 askari. Tani waxay ka dhigan tahay in loo baahan yahay soo celinta cutubyo kale si uu heshiiskan degdeg ugu fulo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM