Cutubyo kamid ah ciidanka Haramcad oo laga saarey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cutubyo kamid ah ciidamadda booliska ee sidda gaarka ah u tababaran ayaa Arbacadda maanta ah laga saarey Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Sidda ay wararku sheegayaan, ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 200 ayaa loosoo duuliyey magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa in Khamiista berri ah ay martigeliso shir-madaxeed ay yeelanayaan hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda, kaas oo looga hadlayo xaalada siyaasadda waddanka.

Inkasta oo ajendaha aan wali lala wadaagin war-fidiyeenka, haddana waxaa lagu waramay in ay doorashooyinka ka shirayaan.

Talaabada ciidamadda looga daad-gureeyay ayaa kusoo hagaageysa saacado kadib markii maamulka Galmudug uu beeniyey in madaxda maamuladdu codsadeen in askarta laga saaro magaaladda.

"Waa been aan sal iyo baar lahayn wararka sheegaya madaxweyne Qoor-qoor laga codsaday in ciidanka Haramcad laga saaro si uu shirka u qabsoomo, waxaana looga dan leeyahay wararkaas in lagu khalkhalgeliyo ammaanka shirka," ayay war saxaafadeed ku tiri wasaaradda warfaafinta.

Illo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in saaritaanka ciidanka uu ahaa wax horey loosii qorsheeyay oo aan la xiriirin shirka lagu waddo in uu ka dhaco magaaladda.

Wararka ayaa xusaya in Dowlada Federaalka ah talaabadaan culeys ku saareen beesha caalamka gaar ahaan xafiisyada QM iyo safaarada Mareykanka kuwaas oo cabsi ka qaba in shirkaan fashil kale ku yimaado.

Madaxda maamulada gaar ahaan Jubaland iyo Puntland oo xiriir fiican aan la lehyn Federaalka ayaa shaki geliyey amniga Dhuusamareeb mar hadii ay joogaan ciidamo aan si toos ah uga amar qaadan maamulkaas.

Dhanka kale, shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa ka muuqda dib u dhac balse warar ayaa sheegaya inuu si rasmi ugu bilaaban doono maalinta Sabtida ee todobaadka soo aadan.

Haramcad, waa boolis uu si gaar ah u tababaray Turkiga, waxaana ay ka amar-qaataan dowladda Soomaaliya. Eedeymaha loo jeediyo waxaa kamid ah in ay kamid yihiin xubno kasoo goostay ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM