Daabicida lacagta cusub ee shilin Soomaaliga oo la muddeeyay

Image
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo soo bandhigay qadiyadan ayaa sidoo kale wuxuu xarumo ka furanayaa maamulada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya in bisha June ee sanadkan uu xarumo cusub ka sameeyo caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka sida Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka oo la magacaabay bishii November.

Cali Yaasiin Wardheere oo u waramay wargeyska ka faallooda dhaqaalaha ee Bloomberg ayaa xusay in laamahaasi ay ka caawin doonaan bangiga dhexe aruurinta canshuuraha, keydinta lacagaha iyo inay noqdaan wakiilka dhexe ee maaliyadda ee dowlad goboleedyada federaalka.

"Waxa kale oo ay masuul ka noqon doontaa ilaalinta qiimaha lacagta cusub ee bangiga dhexe u qorshaynayo in uu daabaco, taasina ay gacan ka geysato dib u soo celinta sicir-bararka," ayuu raaciyey.

Lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ayuu ka dhawaajiyay in qorshuhu yahay in lasoo daabaco sanadka cusub ee 2024-ka. Hase ahaatee, lama ogga sidda ay suurtagal ku noqon doonto.

Sida laga soo xigtey Mr Wardheere, Bankiga Dhexe ayaa sidoo kale waxa uu sameeyay cutub "si gaar ah ugu heellan la dagaalanka suuqa lacagaha been abuurka ah".

Nigeria, oo ah dadka ugu dhaqaalaha weyn Afrika, ayaa sidoo kale waxay kamid tahay dowladaha qorsheynaya in ay badalaan lacagahooda si ay ula jaanqaado isbadalka caalamka.

Lacagta Shilin Soomaaliga ee haatan sidda aadka loo adeegsado waa kunka shilin taasoo soo martey mar-xalado kala duwan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Doolarka Mareykanka ayaa haatan waddanka aad loo adeegsadaa taasoo caqabad ku tahay danyarta iyadda oo dowladda ay ku guuldareysatay in ay maareyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM