Daacish oo sheegatay dilka sarkaal ka tirsan NISA [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garabka Daacish ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar toogasho ah oo lagu khaarijiyay xubin ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Dilka sarkaalka oo aanan wali magaciisa la hayn, islamarkaana aysan Daacish soo bandhigin ayaa waxa uu ka dhacay shalay oo Isniin ahayd gaara ahaan Galabtii degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo lagu soo dabaacay Wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee loo yaqaan Amaq ayaa waxaa lagu tilmaamay in falkaan ay ka dambeeyeen Rag hubeysan oo kooxdaan ka tirsan.

Balse, warar madax banaan ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu yahay qof shacab ah, mana jiro war war ah oo ay Hay’adda NISA kasoo saartay sheegashadda kooxdaan fadhigeeda ugu wayn uu yahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Goobjoogayaal ayaa warisdaha Garowe Online u sheegay in goobta dilka uu ka dhacay kadib ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo meydka qaaday, islamarkaana geeyay xarunta CID-da.

Dilkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili qayb ahaan wadooyinka caasimada ay xirnaayeen, taasoo ka dambeysay markii uu dalka ku yimid qaab qarsoodi ah madaxa sirdoonka dowladda Sudan Saalax Cabdalla Maxamed [Saalax Gosh].

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu udardar gelin lahaa mashruuc ay wadato dowladda Qadar, kaasoo lagu tababarayo saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, si ay amaanka dalka usugaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Daacish sheegato dil ka dhacay Muqdisho, waxaana horey u jiray kuwa kale oo ay ku beegsatay askar ka tirsan Booliska, gaara ahaan kuwa Ilaalada wadooyinka oo ay qaarkood muuqaalo kasoo duubtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM