Daadad khasaare sababay oo ku soo rogmaday magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay daadad guryaha u galay dadka deegaanka ah iyaga oo u soo hayaamay tuulooyinka dariska la ah Beledweyne.

Roobabkan oo ahaa mid xooggan ayaa sababay in heerka biyaha wabiga Shabeelle ay sare u kacaan, taasoo keentay fatahaado xooggan oo khasaare hantiyeed gaarsiisay dad badan oo ka dhaqan magaaladaas..

Sanadihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne waxaa kusoo noqnoqday fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhex mara magaalada, inkastoo la isku dayay in xal waara loo helo, hadana laguma guuleysan.

Dadka deegaanka ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka in ay ka caawiso dhanka cunnada, biyaha iyo hoyga. iyada oo ay dowladdu waa hore ka digtay roobab xoogan oo ka da’aya geyiga dalka oo wato daadad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM