Daadad xoog leh oo ku soo rogmaday dadka ku dhaqan degmada Berdaale

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Roobab Xooggan oo saacadihhii la soo dhaafey ka da'ay degmada Berdaale ayaa sababay in Daadad xoog leh ay soo galaan gudaha magaalada, taas oo keentay inay barakacaaan inta badan dadkii degmadaas daganaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda ayaa ka sii daraysa marba marka ka dembaysa. Waxaana ka maqan degmada Bardaale ee gobolka Bay adeegii bulshada sida korantadii iyo isku socodkii gadiidka.

Sidoo kale daadadku waxay xireen Goobihii Ganacsiga ee shacabku adeegsan lahaayeen, taas oo sii adkeysay daruufaha ay ku noolyiihiin inta wali ku sugan magaalada.

Maamulka Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay biyuhu ka barakiciyeen Guryahoodii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM