Dab qabsaday xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dab la sheegay in uu ka dhashay koronto ayaa xalay qabsaday qeyb kamida xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, sidda uu xaqiijiyey maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka, ayaa tilmaamay in gaadiidka dab-damiska oo waqtigii loo baahnaa ka jawaabay ay yareysay khasaaraha.

Duqa magaalo madaxda dalka dhaca Geeska Afrika oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaanan daboolka ka qaadey waxyeelada guud ee ka dhashay dabka.

"Dadweynaha waxaan ugu baaqeynaa in ay guryahooda dhigtaan Gaaska Oxygen-ka, si loo yareeyo waxyeelada ka dhalan karta khasaaraha noocaan ah," ayuu hadalkiisu ku daray.

Shaqaalaha dab-damiska ayuu kaga mahadceliyey "naf-hurnimadda" ay muujiyeen iyo in ay si degdeg ah kaga jawaabeen.

Xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku taala degmada Shangaani ayaa ah goob ammaankeeda aad loo sugo mana cadda qaabka dabkaan uu ku kacay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa ku warameysa in khasaaraha la xaqiijiyey uu u badan yahay mid hantiyadeed gaar ahaan xafiisyo gubtay iyo qeybo kamid kale oo aad muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM