Dab qabsadey keydka hubka ee xarunta sirdoonka Soomaaliya

Image
Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay dabka. Ma jiro wax war ah oo taliska NISA uu kasoo saaro dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeybta keydka hubka ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa fiidnimadii xalay waxaa ka kacay dab, sidda ay GO u xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah iyo goobjoogeyaal.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in dab damiska oo soo daahay ay sababtay in ku dhowaad 30-daqiiqo ay qaadato in la damiyo iyo in uu ku naf-wayaay hal askar kuna dhaawacmeen tirro kale.

Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay dabka. Xog ayaa sheegaysa "in ay gubteen noocyo kala duwan hub ah iyo feylal". Ma jiro wax war ah oo taliska NISA uu kasoo saaray dhacdadan. 

Inta la og-yahay, waa markii ugu dambeysay oo dhacdo noocaan ah laga soo wariyo xarunta mukhaabaraadka Soomaaliya oo ku taala degmada Shibis isla markaana ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in hogaanka NISA uu amar ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo kiiskan gaar ahaan kaamirooyinka qarsoon ee xarunta.

Is-qabqabsi dhanka awooda ah

"Waxaa suurtagal in askarta ilaalada ku qorneyd qeybtood la xiray kadib dhacdadan. Qeybta keydka iyo xafiiska agaasimaha aad ayay isugu dhow yihiin," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Bishii July 20-keeda sanadkii 2018-kii, xafiiska taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa la jabiyey. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey faylal iyo agabyo kale oo si ba'an loo burburiyey.

Cabdalla ayaa kamid ahaa saraakiisha NISA ku biirtey muddo xileedkii koowaad ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Falka lagu jebiyey xafiiskiisa waxaa lala xiriiriyey loolan dhanka awoodda ah.

Bishii September, 10-keeda sanadkii 2018-kii, madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneraal Cabdalla Cabdalla taasoo ka dhigneyd in NISA laga saarey.

Bishii August 30-keeda sanadkan 2022 sii dhamaanaya, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa darajooyinka ciidan u soo celiyey Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaana la rumeysan yahay in dib u shaqo bilaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM