Dabageed oo ka hadlay khilaafka siyaasiyiinta Hiiraan iyo maamulka HirShabelle

Image
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa tibaaxay in khilaafkan uu caqabad ku yahay horumarka dowlad goboleedka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa uu qiray in khilaafka siyaasadeed ee soo jireenka ah ee u dhaxeeya siyaasiyiinta gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa tibaaxay in khilaafkan uu caqabad ku yahay horumarka dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo.

Dabageed ayaa hadalkan ka sheegay mar uu Sabtidii tagay magaalada Beledweyne oo uu ka qeyb galayay caleema saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle.

Yuusuf Dabageed ayaa ku nuux-nuux saday in dhibaato walba oo horay u dhacday la xalin karo, wuxuuna ka codsaday dadka reer Hiiraan in ay ka cafiyaan wixii dhibaato shaqsi ah oo ay kala kulmeen.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ku booriyay in aan la siyaasadeynin Caleemo saarka Ugaaska Beesha Xawaadle, kadib muran ka dhashay halka lagu qabanayo xaflada.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda Caleema-saarka ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah, inkastoo uu weli muran ka taagan yahay halka lagu qabanayo xafladda, haddii ay ka dhici lahayd Ceel-dheer ama Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM