Dableey hubaysan oo Hooyo Soomaaliyeed ku dilay magaalada Caabudwaaq

Image
Waxaa sii kordhaya dambiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

Caabudwaaq, Soomaaliya - Warar ayaa sheegaya in dil fool xun uu ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu dilay hooyo lagu magacaabi jiray Foosiya Aadan Xuubeey oo hooyo Soomaaliyeed, waxaana dilkaas ka dambeeyay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Dableyda dilka geysatay ayaa dileen hooyadan xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka, waxaana dadaalo lagu bad baadinayay hooyadan lagu guul dareystay, kadib markii isbitaalka loo qaaday.

Dablaydii falkaasi geysatay ay goobta ka baxsadeen ka dib markii ay dhowr Xabadood ku dhufteen haweeneyda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dableydan ay damceen inay dhacaan haweeneyda, waxaana ay dileen markii ay ka waayeen taleefoon ama wax u dhigma.

Waxaa sii kordhaya dambiyada ka dhanka ah haweenka, kuwaasi oo ka dhacay gobollo badan oo dalka ka tirsan, sida Banaadir, Shabeellaha Hoose, iyo Galgaduud.

Dad badan oo ka falceliyay dhacdooyinkan ayaa dhaliilay hay’adaha kala duwan ee dowladda oo aan ku guuleysan inay ka hortagaan falalkan lagu dhibaateynayo haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM