Dabley damacsaneyd in ay dil ka fuliso Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxay shaaca ka dhigeen in ay nolosha ku qabteen dabley damacsaneyd in ay disho askar ka tirsan dowlada federaalka ah.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan, is-rasaaseyn ayaa dhexmartay ciidanka iyo kooxaha hubeysan oo tiradooda lagu sheegay saddex ayna wateen gaari.

Tacshiiradda oo midkood lagu dhaawacay ayaa barqadii ka dhacday isgoyska Howlwadaag, sidda ku xusan warbixinta ay bixiyeen dadka goobjooga ahaa.

"Hay'adda Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isgosyaka Howlwadaag ku fashiliyey dhagar ay damacsanaayeen kooxaha qas-wadayaasha. Tirada guud ee dableydu waxay ahayd saddex, midkood waxaa uu ku dhaawacmay iska hor-imaad ay la galeen ciidamadda," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay bileyska.

Eedeysanaha dhaawaca ah ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayaan dhakhaatiirta ciidamadda booliska Soomaaliyeed.

Ma cadda kooxda ay ka tirsan yihiin ragga la qabtay. Balse, caasimadda waxaa dhacdooyin liddi ku ah xasiloonida ka fuliya xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii suuqa Bakaaraha lagu toogtay dabley la sheegay in ay isku dayeen dil ay u geystaan askari. Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ka tirsanaa shaqsiyaadkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM