Dabley nabadoon caan ah ku khaarijisay Afgooye oo lagu raad-joogo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in lagu dilay nabadoon caan oo si wayn looga yaqaanay gudaha degmada Afgooye.

Waxaa lagu magacaabi jiray nabadoonka la khaarijiyey Ibrahim Maxamed Ibraahim. Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, waxaa toogtay dabley aan wali la aqoonsan heybtooda.

Lama oga sababta loo beegsaday. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, balse waxaa looga bartay malayeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.

Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka nabadoonka si weyn ugu xumaaday shacabka, sidda ay baahisay idaacadda VOA-da oo soo xigatay rayidka.

Laamaha ammaanka oo si kooban uga hadlay falkan ayaa shaaca ka qaadey in ay ku raadjoogaan gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay, kuwaasoo dhalinyaro ahaa.

Ibraahim ayaa la sheegayaa in uu kamid ahaa ergadii soo xulay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, isla markaana uu aad ugu dhowaa maamulka degmada iyo gobolka.

Warbixinadda ayaa tibaaxaya in sidoo kale uu ku jiray odayaashii ka qeyb-qaatay soo dhaweyntii madaxweyne Farmaajo kadib socdaalkiisii dhowaan ee degmadaas lana kulmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM