Dacwad ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la gudbiyay

Image
Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Jubaland ayaa si wadajir ah u gudbiyay cabashaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad Goboleedyadda Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Jubaland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

War-saxaafadeed ku Saabsan Caqabadaha Ka Jira Wada-shaqeynta Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Soomaaliya

Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12-ka April, 2024, waxay soo saareen warsaxaafadeed wadajir ah kaas oo ay ku muujiyeen caqabadaha xooggan ee ka dhex jira iskaashiga ay la leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada ee Federaalka Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga ee Zoom, wasiirada waxbarashada ee dowlad goboleedyada ayaa soo bandhigay caqabadaha soo noqnoqday ee ka hor taagan habsami u socodka mashaariicda waxbarasho ee muhiimka ah sida Mashruuca GPE, Systems Transformation Grant, iyo Girls’ Education Accelerator, kuwaas oo dhammaantood wajahaya daahitaan ka yimid dhinaca Federaalka, iyadoo ay meesha ka maqan tahay wada tashi dhexmara dowlad goboleedyada iyo federaalka.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday arrimaha musuq-maasuqa iyo si xun u maamulka deeqaha waxbarasho, halkaas oo ardayda mudan in la siiyo fursadaha waxbarasho loo gacan geliyay si hoose xubno ka tirsan dowladda federaalka, taasoo meesha ka saartay daahfurnaantii iyo cadaaladdii loo baahnaa.

Wasiirada ayaa ku baaqay in la helo madal lagu dhageysto cabashooyinka jira isla markaana xal deg deg ah loogu helo arrimahan si wada shaqeynta u dhexeysa heerarka kala duwan ee wasaaradaha waxbarashada ay u sii socoto si caafimaad qabta.

Dhammaanteen waxaa naga go’an inaan hormarino waxbarashada Soomaaliya oo aan ka wada shaqeyno sidii aan u heli lahayn hannaan waxbarasho oo ka wanaagsan kan hadda jira.


Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Puntland horey u diidey qaabka wadashaqeynta Wasaarada Federaalka Soomaaliya iyadoo ku dhaqanka dastuurka Federaalka noqodey mid meesha la baxdey.

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM