Dacwad laga gudbiyey maamulka Farmaajo oo la fahfaahiyey

Image
Dacwadan ayaa si toos ah waxaa loogu gudbiyey maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah ayaa wuxuu dacwad ka dhan ah dowladda federaalka ah u gudbiyay maxkamada caalamiga ah ee dambiyadda dagaalka ee ICC ee The Hague.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax ayaa guddoomiye u ah ururkan oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia wuxuuna fahfaahin ka bixiyey kiisaska ay ku haystaan maamulka Farmaajo.

Sida laga soo xigtey Faarax, gal-dacwadeedka ay gudbiyeen wuxuu khuseeyaa; Xasuuqii Baydhabo, Cunaqabateyntii Kismaayo, Dhalinayrada loo qaadey Eritrea iyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

"Way noo sheegeen in ay naga aqbaleen dacwadda oo qoraal ayay noosoo direen. Laakiin maadaama ay jiraan kiisas badan ayaga ayay ku xiran tahay sida ay u kala horumarinayaan," ayuu tibaaxay.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Su'aasha ah maxaa xilligan kusoo aadiyey? Waxaan dooneynaa in ay digniin u noqoto xukuumadaha soo aadan oo ay ka fogaadaan ku xadgudubka xuquuqda aadanaha".

Tillaab togan oo dhanka "saxda ah loo qaaday"

Maxkamadda ICC oo la aas-aasay 2002-dii waxaa xubin ka ah 123 dal balse Soomaaliya qeyb kama ahan wadamadaas. Sudan, the Democratic Republic of the Congo, Uganda, the Central African Republic, Kenya, Libya, Côte d'Ivoire iyo Mali ayay kala yihiin wadamadda ku yaala qaaradda Afrika ee xubinta ka ah.

Hase ahaatee, sida laga soo xigtey Faarax, tani kama dhigna in kiis khuseeya Soomaaliya aan loo gudbin karin waxaana jira nidaam loo maro kaasoo eedeysaneyaasha loogu yeerayo si ay isaga difaacaan dacwadda.

"Anaga kalama tashan madaxda dowladda dacwadda aan gudbinay maxaa yeelay ayaga oo ay hortaalo ayay wax ka qaban waayeen taas ayaana nagu kaliftey in aanan ku wargelin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu si weyn u taageeray talaabadan.

"Waa tillaab togan oo dhanka saxda ah loo qaaday. Soomaaliduna meel walba oo ay joogaan waa in ay taageero u fidiyaan daddaalkaas ay qareenadu isku xil qaameen," ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa.

ICC ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin gal-dacwadeedkan loo gudbiyey. Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ama dowladda federaalka ah ayaan wali caddeyn aragtideeda ku saabsan go'aanka ururka qareenadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM