Dad hal qoys kasoo jeeda oo lagu laayay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan, oo aan wali heebtooda la garan ayaa xalay fiidkii weerar argagax leh ka geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Rag ku hubeysan qoryaha AK-47 ayaa galay guri Jiingado ka sameysan, oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir, kadibna toogasho ku dilay 5 ruux oo hal qoys kasoo wada jeeday, oo uu ku jiro canug yar.

Falkan lagu weeraray qoyska waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 kale, kuwaasoo qaar kamida aad looga deyrinayaa xaaladooda, waxaana la ogeyn cid weerarkan fulisay iyo sababta ka dambeysa.

Qoyskan la leeyay ayaa waxay qaraabo ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ah Xildhiban katirsan Gollaha Shacabka.

Shanta qof ee la dilay waxaa ku jira Xildhibaanka nin adeer u ah iyo adeediisa, iyadoo inta kale ay ahaayeen dhalinyaro la fadhisay derin taallay gudaha gurigooda, oo ay ku sheekeysanayeen.

Axmed Cali oo kamid ah ehelka dadka la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in toogashada ay dhacday xilli la isku diyaarinayay Salaadii Maqrib, isagoo sheegay in dhacdadan xanuunka badan uusan ogeyn cida sameysay, balse ay qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirta.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan ciidamada dowladda soo gaarin, waxaana jirin illaa hadda cid loo soo qabtey toogashada shacabka lagu xasuuqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM