Dad isku qoys ah oo dil wadareed loogu geystay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay, shan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib markii nin ku hubeysan AK 47 uu rasaas ooda uga qaaday guri ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Muqdisho.

Dhamaan dadka waxyeeladu soo gaartay waxay kasoo wada jeedaan hal qoys. Dhacdadaan waxaa lasoo wariyey fiidkii Arbacada, 8-da July, 2020. Gacan ku dhiiglaha waxaa lasoo wariyey in uu goobta ka cararay.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ku qasabtay ruuxaan in uu ku kaco falkaas oo laga soo tabiyey degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo caasimadda Soomaaliya kaga beegan jihada ama dhanka Koonfur Galbeed.

Fahfaahino horudhac ah ayaa soo jeedinaya "in shaqsiga geystay dil wadareedkan uu gabar ka qabay reerka, madaxana looga jiray".

"Ciidamadda dowladda oo meesha ay wax ka dhaceen gurmad ahaan u tagay ayaa xarumaha caafimaadka u qaaday dhaawacyadda, iyagoo garab ka helaya dadka shacabka ah," ayuu yiri goobjooge la hadlay GO.

Laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan, mana ka jawaabin xiriiro lala sameeyay.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii sideed dhakhtar iyo qof shacab ah si wadar ah loogu khaarijiyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Falkaas waxaa lala xiriiriyey xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM