Dad isku qoys ah oo ku dhintay dagaalka Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan qof oo isku qoys ahaan kuna jiraan caruur ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen dagaalkii xalay ka qarxay magaalada Beledxaawo ee dhacda xuduudka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Hooyadda reerkan ayaa la sheegay in uu soo gaarey dhaawac culus laguna daaweynayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaaladda.

Sidda ay muujinayaan macluumaadyadda, aabihii qoyska ayaa lasoo wariyey in uu kaliya ka badbaadey hoobiye ku dhacday guriga ay degan yihiin.

Waxyeelada soo gaartey qoyskaan ayaa qeyb ka ah khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalkan u dhaxeeyay ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay halkaas iyo askar daacad u ah wasiir Cabdirashiid Janan.

Mas'uuliyiin u kala hadashay labada dhinac ayaa isku eedeeyay in midba kan kale uu soo qaadey weerarka kalana sheegtay guulo waaweyn.

Saraakiil dhanka caafimaadka ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in dhaawacyadda in ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo askar, balse waxay ka gaabsadeen in ay ka waramaan khasaaraha dhimashada.

Ciidamadda uu horkacayo Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa xalay saqdii dhexe qabsaday saldhiga booliska iyo xarunta degmadda Beledxaawo, balse waxaa weerar rogaal-celin ah kusoo qaadey askarta dowlada.

Xukuumada federaalka iyo maamulka gobolka Gedo ayaa kadib waxay sheegeen in duhurnimadii maanta ay la wareegeen barahaas. Hasa ahaatee, sheegashadaas wali wax jawaab ah kama bixin maamul goboleedka Jubaland.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in doorashooyinka Soomaaliya ee 20202-21 ay waqtigooda ku qabsoomaan, wallow ay socdaan dedaalo caalami ah oo la doonayo in xal waara looga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM