Dad ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan tobban qof ayaa ku dhimatay, tirro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal Sabtida maanta ah degmadda Kaaraan ee bariga Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliya.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta keentay isku-dhaca; fahfaahinada qaar waxay ku sheegayaan in uu salka ku hayey aano qabiil, halka warbixino kale ay muujinayaan in ka dhashay is-qabqabsi dhul oo saraakiil u dhaxeeya.

Qof kamid ah dadka degaanka oo telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in askarta ay isku-adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana is-rasaaseynta ay socotay ku dhowaad hal saac.

"Dhulka la sheegay in ay isku hayaan saraakiisha wuxuu ku yaalaa aagagaarka mirinaayo ama meel u dhaw kawaanka Bari ee degmada Kaaraan," ayuu yiri qofkan codsaday in aan magaciisa loo adeegsan qalabka warbaahinta.

Maamulka degmadda iyo taliska milatariga Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadan. Isku-dayo uu GO doonayey in uu ku gaaro ma aysan guuleysan.

"Inkasta oo dhimashada badkeedu tahay labada dhinac – askar – haddana waxaa ku jiray shacab gaar ahaan caruur la ii sheegay in ay kasoo laabteen goobaha waxbarashadda," ayuu hadalkiisa ku daray goobjooge la hadlay Garowe Online.

Isku-dhacan ayaa kusoo hagaagaya xilli xaaladda siyaasadeed ee waddanka aysan deganeyn isla markaana hubanti la’aan weyn ay ka jirto in waqtigeeda ku dhaceyso doorashooyinka heer Qaran ee loo balansan-yahay sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM