Dad ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay duleedka Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, maanta oo Isniin ah.

Qaraxa oo noociisa ay baaritaano ku waddaan laamaha ammaanka ayaa laga soo wariyey inta dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Lafoole.

Weerarka ayaa lagu beegsaday gaari nooca raaxadda ah, sidda laga soo xigtay dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay arkeen meydadka afar qof oo la socday baabuurka.

Gaariga ayaa ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay GO u sheegeen illo wareedyo dhinaca amniga ah.

Ismaaciil Khaliif, agaasimaha Radio Wanlweyn, oo xaqiijiyey warkaas ayaa tacsi u diray eheladda iyo asxaabta dadka dhintay.

Magacyadda saddex kamid ah dadka geeriyooday ayaa lagu kala sheegay; Zakariye Macalin Xaaji Cali, Cabdiqaadir Garaar iyo Nuuradiin.

Zakariye ayaa ahaa ganacsadde, halka labadda kale la tilmaamay in ay kamid ahaayeen bahda gaadiidleyda ee degmadaas.

"Shaqsiga afaraad wali ma helin magaciisa, balse waan filayaa in uusan ahayn qof degaanka ah," ayuu Ismaaciil ku daray hadalkiisa.

Illaa iyo haatan lama ogga hadii qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo dhejiyey gaariga ama in uu yahay mid la dhigay wadada dhinaceeda.

Si lamid ah, waxaanan wali jirin cid dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, inkastoo dhacdooyinkaan oo kale looga bartay Al-Shabaab.

Bishii hore, weeraro noocaan ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho oo lala eegtay ciidamo waxaa sheegtay xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM