Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax Ismiidaamin ay, ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumdda dalka Somalia, kaasoo gaystay khasaaro kala duwan.

Goob-joogayaal la hadlay  Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in Weerar loo adeegsaday Gaari Nooca HOMY-da ah.

Weerarka, waxaa lala beegsaday Dugsiga Tababarka Milliteriga ee Jeneral Dhega-badan ee degmada Wadajir.

Gaariga ayaa ku qarxay Nawaaxiga Warshadii hore ee Nac-naca, balse waxaa lala damacsanaa xero tababar ciidan oo ku taalla nawaaxigaas.

Askari katirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa rasaas ku furay Gaariga markii uu Darawalkiisa ka dhega-adeegay inuu ka joojiyay Bar-koonatrool oo ciidamada AMISOM ku sugan yihiin halkaasoo ah goobta laga Dugsiga Tababarka Jeneral Dhega-badan.

Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa, iyadoo 5 kale oo labo kamid ah ay yihiin Carruur waxbarasho u socotay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxa, balse waxa uu noqonayaa midkii labaad oo caasumadda ka dhacay mudo labo maalmood ah, kuwaasi oo geystay khasaarooyinka kala duwan.

Dhinaca dowladda Somalia lafteeda kama aysan hadlin qarax iyo amniga muqdishu oo muddooyinkii dambe sii xumaanayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM