Dad lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helayno degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox hubaysan rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Siligga Ameerikaanka ee magaalada Muqdishu.

Kooxda falkan gaystay oo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa nolosha dhaafiyay saddex ruux oo shacab ah iyagoo dhaawacay saddex kale.

Dadkan ayaa wararku sheegayaan inay ka ganacsadaan Qaadka, waxayna wada joogeen hal goob.

Lama oga sababta loo weeraray iyadoo maalmaha magalada Muqdishu kusoo badanayeen dilalka lala beegsanayo shacabka.

Ilaa hadda kooxna ma sheegan, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso  Al Shabaab oo maanta magaalada Muqdishu ku dishay Xildhibaan hore.

Goob jooge ku sugan halka weerarku ka dhacay ayaa GO u sheegay in kooxda gaysatay falkaas ay goobta ka baxsatay iyagoo aan la ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa goobta soo gaaray, waxayna samaynayaan baaritano kala duwan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Wadajir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM