Dad loo qabtay dil-wadareed hooyo iyo caruurteeda loogu geystay HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Mas'uuliyiinta ammaanka HirShabelle ayaa shaaca ka dhigay in ay qabteen 21 qof kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dil wadareed ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Mayre Makaraan, gudoomiyaha gobolka oo u waramay warbaahinta, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaas lagu soo qabtey howlgalo kala duwan oo ay ciidamadda sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

"Qaarkood waxaan soo xirnay kahor doorashadda. Baaritaanka waxaa naga hakiyey culeysyadaas maamulka haystay. Hadda waxaanu bilaabeynaa baaritaanka, cidii dambi aan lahayn waa lasii deyn doonaa," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyey idaacadda maxaliga ah ee lagu magacaabo KNN.

Xilli ay baxsadeen dableydii fulisay falkaas, bishaan November 9-keeda ayay ahayd markii dil-wadareedkaas uu ka dhacay duleedka degmadda Warsheekh, waxaana la sheegay in uu salka ku hayey aanooyin qabiil.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay wateen qoryo sidda daran-dooriga u dhaca isla markaana rasaasta u fureen si aan kala sooc lahayn.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, caruurta lagu dilay weerarkaas waxaa ku jira mid dhowaan dhashay isla markaana bolooyin qura jiray.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dhacdadaas ayaa balanqaadey in ay cawaaqibkeeda la kulmi doonto cid walba oo mas'uul ka ahayd.

Iyaddoo madaxdii maamulkaas ku mashquulsan tahay siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, haddana shacabka ayaa dhexdooda isu-laynaya aanooyin qabiil, waxaana ugu wacan in aysan jirin dib-u-heshiis dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM