Dad loo xiray qarax ka dhex dhacay guri ku yaalla Muqdisho [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amniga Soomaaliya ayaa xiray milkiilaha guri ku yaalla degmada Dayniile ee Muqdisho kaasoo habeenimadii Jimcadda uu qarax ka dhex dhacay.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya in sidoo kale hay’addaha nabad-gelyada ay qabteen ninkii sameynayey walxaha qarxa oo deganaa qolka uu qaraxu ka dhacay.

Ninka oo aanan wali magaciisa la shaacin ayaa kaligii ku noolaa qolkaasi, oo uu ka kireeyay milkiilaha kaasoo dhankiisa aanan wali lasoo bandhigin aqoonsigiisa.

Taliska Booliska degmada oo diiday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah ayaa sheegay in natiijada su’aalo waydiin-doonta ay shaacin doonan marka ay soo gabagabeeyaan.

"Abaare 10:56 habeenimo xiliga bariga Afrika ayaan maqalnay jugta qarax culus...guriga waxa uu ku yaallaa xaafada Taraqa iyo Sigaarka ee Muqdisho," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Ma jirto khasaaro nafeed oo uu geystay qaraxaan, marka laga reebo in uu burbur xoogan u geystay qayb kamid ah hoygii lagu abaabulayey oo ay ciidamada tageen durbadiiba.

Dhacdooyinka noocaan ah oo ugub ku ah magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa imaanaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafey ay ka dhaceen weeraro khasaaro dhaliyay.

Dayniile oo dhacda waqoyga Muqdisho ayaa la rumeysan yahay in ay tahay degmada laga soo abaabulo qaraxyada bartamaha magaalada ka dhaca, taasoo ay ugu wacan tahay in aaney ciidamadu ku lahayn joogitaan badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM