Dad Oromo ah oo lagu dilay magaalo kamid ah gobolka Gedo

Image

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Ugu yaraan 9 qof oo Oromo ah ayaa ku dhimatay, 6 kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay lagu qaaday Guri ay ku noolaayeen oo Beled-Xaawo ku yaallo.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in rag hubeysan, oo aan la aqoon inay rasaas ku fureen Guriga dadkan Oromada ku jireen, oo Jiidgad ka sameysnaa, halkaasina ay ka dhacday dhimashada iyo dhaawaca.

Lama oga waxa salka ku hayso weerarka lagu beegsaday dadkan Oromada oo ahaa kuwa ka shaqeysta magaalada Beled-Xaawo, oo kasoo cararay xaaladaha ka jira gobolkoda, oo ku yaalla galbeedka Itoobiya.

Dadka dhaawacmay oo Carruur ay ku jiraan ayaa la dhigay Isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM