Dad Oromo ah oo lagu dilay magaalo kamid ah gobolka Gedo

Image

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Ugu yaraan 9 qof oo Oromo ah ayaa ku dhimatay, 6 kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay lagu qaaday Guri ay ku noolaayeen oo Beled-Xaawo ku yaallo.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in rag hubeysan, oo aan la aqoon inay rasaas ku fureen Guriga dadkan Oromada ku jireen, oo Jiidgad ka sameysnaa, halkaasina ay ka dhacday dhimashada iyo dhaawaca.

Lama oga waxa salka ku hayso weerarka lagu beegsaday dadkan Oromada oo ahaa kuwa ka shaqeysta magaalada Beled-Xaawo, oo kasoo cararay xaaladaha ka jira gobolkoda, oo ku yaalla galbeedka Itoobiya.

Dadka dhaawacmay oo Carruur ay ku jiraan ayaa la dhigay Isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM