Dad shacab ah oo dil wadareed loogu geystay duleedka Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa maanta oo Isniin ah degaanka Lafoole ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxay dil ugu geysatay dad shacab ah, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta dowlada ee halkaasi ku sugan.

Gudoomiyaha deegaanka Lafoole, ee maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Ayaan Xasan Xaaji, ayaa sheegtay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan sababta keentay arrintaan.

Wadarta guud ee dhimashada ayay ku sheegtay in ay gaareyso 9 ruux, iyadoo intaasi ku dartay in ay jiraan dhaawacyo badan, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal si loo badbaadiyo naftooda.

Dadka la dilay ayaa ahaa haween howlo nadafadeed kawadey halka loo yaqaano Dalcadda Lafoole, waxaana ay meesha lagu weeraray ka jarayeen geedo ka baxay wadada hareeraheeda, oo maamulka degaanka amray in la nadiifiyo.

Lama ogga cidda ka dambeysa dhacdadaan naxdinta leh.

"Illaa iyo haatan waxaan idin xaqiijin karaa in ay dhacdadu jirto oo 9 haween ah lagu dilay..balse, fahfaahinta iyo cida ka dambeysa dib ayaanu idin kaga soo sheegi doonaa," ayay tiri gudoomiye Ayaan oo la hadashay Warsidaha Garowe Online.

Illo degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in dadka la xasuuqay ay qayb ka ahaayeen koox loo xil-saarey in ay ka shaqeeyaan nadiifinta wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, taasoo uu Ra'iisul Wasaare Khayre dhawaan dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo, oo dowladd Qadar maalgelinayso.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii isla degaanka Lafoole lagu gubay gaadiid dhuxul-siday, lana toogtay raggii waday, taasoo ay mas'uuliyiinta ku eedeeyeen in ay ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM