Dad shacab ah oo dil wadareed loogu geystay duleedka Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa maanta oo Isniin ah degaanka Lafoole ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxay dil ugu geysatay dad shacab ah, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta dowlada ee halkaasi ku sugan.

Gudoomiyaha deegaanka Lafoole, ee maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Ayaan Xasan Xaaji, ayaa sheegtay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan sababta keentay arrintaan.

Wadarta guud ee dhimashada ayay ku sheegtay in ay gaareyso 9 ruux, iyadoo intaasi ku dartay in ay jiraan dhaawacyo badan, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal si loo badbaadiyo naftooda.

Dadka la dilay ayaa ahaa haween howlo nadafadeed kawadey halka loo yaqaano Dalcadda Lafoole, waxaana ay meesha lagu weeraray ka jarayeen geedo ka baxay wadada hareeraheeda, oo maamulka degaanka amray in la nadiifiyo.

Lama ogga cidda ka dambeysa dhacdadaan naxdinta leh.

"Illaa iyo haatan waxaan idin xaqiijin karaa in ay dhacdadu jirto oo 9 haween ah lagu dilay..balse, fahfaahinta iyo cida ka dambeysa dib ayaanu idin kaga soo sheegi doonaa," ayay tiri gudoomiye Ayaan oo la hadashay Warsidaha Garowe Online.

Illo degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in dadka la xasuuqay ay qayb ka ahaayeen koox loo xil-saarey in ay ka shaqeeyaan nadiifinta wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, taasoo uu Ra'iisul Wasaare Khayre dhawaan dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo, oo dowladd Qadar maalgelinayso.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii isla degaanka Lafoole lagu gubay gaadiid dhuxul-siday, lana toogtay raggii waday, taasoo ay mas'uuliyiinta ku eedeeyeen in ay ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM