Dadaalo la isugu soo dhaweynayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo fashilmay

Image
Isku-daygan diblumaasiyasadeed waxaa hormuud ka ahaa Jabuuti iyo Kenya waxaana waan-waanta ay ka socotay Nairobi.

MUQDISHO, Soomaaliya — Dadaal diblumaasiyadeed oo ay Kenya iyo Jabuuti ku doonayeen in ay ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan is-afgaradkii muranka dhaliyay ayaa dhamaaday iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Xogta ayaa sheegeysa in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Nairobi ku sugnaayeen wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya balse mas’uuliyiinta labada dal ma aysan la kulmin ama ma yeelan wada hadal toos ah. 

Kenya waxa ay wadday dadaal dhab ah oo diblumaasiyadeed, dadaalkaas oo la sheegay in uu hormuud u ahaa madaxweynaha Kenya William Ruto.

Xogtu waxay sheegeysaa in mowqifka Soomaaliya uu ahaa mid cad uuna ahaa in aysan jiri doonin wada hadal toos ah haddii aysan Itoobiya ka tanaasulin Is-afgaradkii “Sharci-daro” ahaa ee uu baarlamaanka Soomaaliya ku dhawaaqay, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM