Dagaal beeleed lagu hoobtey oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Image
Colaadan ayaa kasoo cusboonaatay deegaanka Laandheer oo u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq ee Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro badan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaal u dhaxeeya labo beelood oo wada dega gobolada dhexe ee Soomaaliya oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu cuslaa uu shalay ka dhacay deegaanka Laandheer oo u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq ee maamul goboleedka Galmudug.

Ilo wareedyada ayaa ku kala aragti duwan tirada dhimashada ee dagaalka. Qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 ay dhinteen halka qaar kalena ay dhimashadu ka dhigayso tobanaan ka badan 50 ruux.

Illaa haatan, ma muuqato wax dadaal ah oo ay waddaan mas'uuliyiinta si loo qaboojiyo colaadda marka laga reebo guddi shan wasiir ah oo Galmudug ay u saartey qaboojinta colaaddan sii xoogeysanaysa.

Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin dagaalkan marka laga yimaado Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq nabadeed u dirtey dhinacyadda dagaalamaya.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kamid ah madaxdii ugu dambeysay ee baaqa nabadeed kasoo saartey dagaalkan kuna waaniyay beelaha walaalaha in ay xabadda degdeg u joojiyaan.

"Waa musiibo qaran in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre oo kasoo jeeda Galmuudg.

Dagaal beeleedyadda ayaa kusoo laab-laabtey Soomaaliyadda iyadda oo sababta ugu weyn ay tahay aano qabiil oo soo jireen ah mana muuqato wax dadaal ah oo lagu bixyey sidii xal waara loogu heli lahaa galkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM