Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay duleedka magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya laba malleeshiya beeleed, ayaa ka socda degaanno dhaca duleedka Kismaayo, xarunta gobolka Jubada Hoose, kaasoo geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in dagaalka oo u dhaxeeya beelaha Cowrmale iyo Harti uu ka qarxay tuulooyin ku dhaw degmada Badhaadhe iyo Buulo-Xaaji.

Dad deggan Buulo Xaaji oo qiyaastii 45-KM dhanka galbeed uga beegan Kismaayo, ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dagaalameen shalay degaanka Joorey, islamarkaana ay iska dileen in kabadan 30 qof.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii malleeshiyada Cowrmale ayaa maalmo kahor 5 qof ay ka dishay dhinaca beesha Harti, oo markii dambe soo qaadey weerar aargoosi ah, kaasoo 29 ruux lagu dilay.

Qabiilka Cowrmale waxaa laga dilay 21 qof, halka Harti ay kaga dhimatay dagaalka 8 qof, waxaanna lagu soo waramayaa in dagaalka uu wali socda, islamarkaana dhinacyada iskau adeegsanayaan hub culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jubaland ay ku baxeen goobaha dagaal beeleedka uu ka socdo, inkastoo aysan wali gaarin, maadaama tuulooyinka dirirtu ka dhacayso ay adagtay in la tago.

Saraakiisha Jubaland wali kama aysan hadlin dagaalka.

Al-Shabaab ayaa ku sugan meel aan ka fogeyn halka uu dagaalka ka socdo, mana jirto wax faragelin ah, oo illaa hadda ku sameeyeen colaadda dhiiga ku daadanaya, ee u dhaxaysa labada beelo ee walaalaha ah.

Odayaasha labada dhinac iyo kuwa degaanka ayaa lagu waramayaa inay wadaan dedaallo lagu deminayo colaadda, islamarkaana lagu heshiisiinayo dhinacyada, oo muddo badan ay u dhaxaysay aanooyin qabiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM