Dagaal Beeleedka Hiiraan oo la joojiyay iyo Meydad la helay

Image

BANYALEY, Somalia – Ciidamada Ahlu Sunna oo kaashanaya kuwa dowlada Federaalka ayaa ku guuleystay inay joojiyaan Dagaal Beeleedka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanka Baanyaaley, ee gobolka Hiiraan. 

Madaxa Warafaafinta Ahlu Sunna Muxudiin Cali Jimcaale “Jakuula”, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in lakala qaadey Maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaanka, islamarkaana ay ku howlan yihiin soo afjarida dagaalka.

Wuxuu sheegay Jakuula in Ciidamada Ahlu Sunna kala durkiyeen Labada Malleeshiya Beeleed illaa 10KM, sidoo kalena ka shaqeynayaan soo celinta shacabkii ka barakacay guryahooda.

Waxaa hada gaarey Tuulada Baanyaaley Odayaal iyo Siyaasiyiin labada dhinac kasoo jeeda, kuwaasi oo u xusul duubaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafka keenay gacan ka hadalka.

Dhanka kale, waxaa saaka lagu arkey Goobihii lagu dagaalay ee Baanyaaley Meydadka Lix ruux oo Malleeshiyaadka katirsanaa, kuwaasi oo ku dhintey colaadda sokeeye, ee halkaasi ka dhacday.

Meydadka oo la aqoonsaday ayaa lagu wareejiayay Eheladooda, si ay u aastaan.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo Barakac xooggan ayaa waxa uu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay ku muransan yihiin lahaanshihiisa labada beeleed, ee ku dhawan Baanyaaley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM