Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan [Fahfaahin]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda, ayaa ka dhacay shalay gelinkii dambe iyo saakay gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadey kolonyo militeri oo ay la socdeen ciidamada dowladda xilli ay marayeen inta u dhaxaysa tuulooyinka Butaale iyo Habiino oo hoos yimaada degmada Maxaas.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegay in dagaalka looga awood roonaadey, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan, intastoo tirada dhimashada aan wali la shaacin.

Maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in xaaladda degaanka lagu dagaalamay ay degan tahay, iyadoo kolonyadii la weeraray ay gaareen degamada Maxaas oo saldhig ku leh ciidamada Itoobiya, ee aan qeybta ka ahayn AMISOM.

Ciidamo ka socda Jabuuti ayaa u qaabilsan AMISOM howlgalka Hiiraan.

Maxaas waxay kamid tahay goobaha ay go'doomisay Al-Shabaab kadib markii laga saarey 7 sano kahor, waxaana Kooxda ay jartay wadooyinkii isku xirayay degmooyinka gobolka Hiiraan, taasoo adkaysay isku socodka iyo ganacsiga.

Xaalad bini'aadanimo ayaa ka jirta xilliga gobolka, kadib markii ay ku dhufteen roobab xooggan oo sababay fatahaado saameeyay boqolaal kun oo qof, kuwaasoo deganaa magaaladda Beledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM