Dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo leysku gabal-dhacsaday kaasi oo ka dhacay Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose, maanta oo Talaado ah, sida ay dadka deegaanaka sheegeen.

Dagaalka oo yimid kadib markii ciidamadda Jubbaland oo howlgal kawada Buunadda, islamarkaanka ka yimid dhanka deegaanka Baar-sanguuni ay soo weerareen dagaalyahano lagu qiyaasay 200 oo Al-Shabaab ah.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in dagaalka uu qaatay saacaddo badan, iyadoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo ka hadlay dagaalka, ayaa waxay sheegeen inuu jiro khasaaro labadda dhinac soo kala gaarey, balse, aysan xaqiijin karin tiradda dhinac kasta laga dilay ama ka dhaawacmay.

Xoogaga Al-Shabaab wali dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay Buundada Araare, halkaasoo xaaladda laga sheegayo inay kacsan tahay.

"Dagaalka hada wuu joogsaday, balse, waxaa wali jirta saan-saan colaadeed, maxaa yeelay waxaa laga baqdin qabaa inuu dagaal kale uu qarxo," sidaaa sidaasi u sheegay GO mid kamid ah dadka deegaanka.

Buundada Araare oo qiyaasyii 7-KM u jirta tuulada Baar-sanguuni ayaa waxaa dhawaan lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ajnabi ahaa, sida ay sheegteen Taliska ciidamadda xooga Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Jubbada Hoose ayaa ahayd maalmihii u dambeeyay mid kacsan, iyadoo ay ka dhaceen dagaalo, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, AMISOM, Mareykanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM