Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ugu yaraan Labo Askari ayaa ku dhimatay, tiro kale oo saddex ah dhaawac ayaa kasoo gaarey kadib markii iskahor-imaad uu duleedka magaalada Baydhabo ku dhex-maray Milatariga Soomaaliya iyo ciidanka Koonfur Galbeed.

Dagaalka oo yimid kadib markii kala shaki uu soo kala dhex-galay ciidamada labada Askari ee ku dhimatay ay ka tirsanaayeen kuwa Koonfur Galbeed, halka saddexda dhaawaca ah Labo kamid ah ahaayeen ciidanka xooga dalka.

“Ciidamada xooga dalka oo kasoo baxay Buurhakaba, kuwaasoo socdaal dhulka ku ah kusoo galayey Baydhabo ayaa waxaa arkay ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaasoo igaga Baabuur saarnaa kuwaasoo Kuunfur Galbeed ka tirsan,” Goobjooge ayaa sidaas yiri.

“Kadib, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ka shakiyey waxayna uqaateen Dagaalyahanada Shabaab, waxayna ku bilaabeen Rasaas, halkaasoo uu ka dhashay Dagaal fool ka fool ah soo socday muddo kooban,” ayuu ku daray.

“Iyadoo dagaalku socdo ayaa waxaa Dagaal ka yimid ciidamo kale oo Koonfur Galbeed ka tirsan, kuwaasoo Gartay ciidanka xooga. Waxay dejiyeen xiisadda iyagoona ku guuleystay inay joojiyaan dagaalka,” ayuu raaciyay.

“Dagaalka ayaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Labo Askari ayaa dhanka Koonfur Galbeed kaga dhimatay dagaalka. Halka dhanka ciidanka xooga uusan jirin wax khasaaro ah. Dhaawac oo 3 oo labada dhinac ah,” ayuu kusoo xiray.

Wali ma jiro, wax hadal ah oo ku saabsan iskahor-imaadkaan dhex-maray ciidamada dowlada Soomaaliya oo kasoo baxay Taliska ciidanka xooga iyo Koonfur Galbeed, waxaana ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM