Dagaal kasocda Shabeellaha hoose

Image

MARKO, Somalia- Dagaal culus, oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo Kooxda Al Shabaab ayaa goordhow ka billowday Tuulooyin ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka qarxay deegaanada Buufow iyo Kabtanlaas, oo ku dhow magaalada Dekedda leh ee Marka, xaruna u ah gobolkaas.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in dagaalku uu yimid ka dib markii ciidamada Dowladda Somalia ay weerar ku qaadeen Fariisimo Al Shabaabku ku leeyihiin Tuulooyinkan.

AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb-qaadanayaan iska hor-imaadka labada dhinac, islamarkaana ay hoobiyaal ku garaacayaan deegaanada ku dhow degmada Janaale, oo Al shabaab ay maamusho.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha uu sababa dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

AMISOM ayaa dhawaan sheegtay inay isku furi doonto wadada isku xirta magaalooyinka Marko iyo Baraawe, maadama inta u dhaxaysa ay gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM