Dagaal laga cabsi qabo in uu mar kale ka qarxo magaalada Beledxaawo

Image

BELEDXAAWO, Gedo – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa lagu waramay in ay ka jirto qaybo kamid ah magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Tani ayaa ka dambeysay markii dowlada Soomaaliya ay ciidamo dheeri ku daabushay halkaas isla markaana ay ka sameysteen dhufeesyo.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in dhufeesyadda ay yihiin kuwa horleh oo aan ku yaalin barihii ay horey u joogeen.

Xiisadda ayaa si gaar ah kaga jirta Buula Xaawo, halkaasoo kamid ah meelaha ay ciidamadda dhufeesyada ka qoteen.

Daad-gureynta dowladda ee ciidamada dheeraadka ah ayaa timid kadib markii ay khadka telefoonka kuwada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, oo ku heshiiyey in xaalada la qaboojiyo.

Shacabka oo ka cabsi qaba in uu dagaal kale qarxo ayaa bilaabay in ay u qaxaan degaanada kale ee deriska la ah Mandera sidda magaalada Lamu.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay "isaga baxeen magaalada iyagoo ka cabsi qaba dagaalka".

Maalmo kahor ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay ku dirireen Beledxaawo gaar ahaan nawaaxiga xadka Kenya, isku dhacaas oo sababay khasaaro badan.

Dagaalkaas ayaa sameeyay degmada Mandera. Tani waxay soo dedejisay in Kenya ku eedeyso Soomaaliya "xadgudub dhuleed iyo xaalad abuur".

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM