Dagaal NISA iyo AMISOM dhexmaray oo la baarayo [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in Gudi baaritaan ah ay u xil-saartay Iska hor-imaad Ciidamada NISA iyo Muqdisho ku dhexmaray Muqdisho.

Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadii 23-ka bishan ka dhacday meel ku dhaw Isgoyska KM4, oo uu ku dhintay hal Askari, iyadoo 2 kale ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa tilmaamay in is-rasaaseynta dhex-martay NISA iyo AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Uganada ay u dhacday si aan ku tala-gal ahayn, oo shil ah.

Guddiga ayaa lagu magacaabay kulan Wasiirka la qaatey Madaxa AMISOM, ahna wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM.

Taliska Ciidamada Uganda uu shaaciyay in iyagoo is-difaacaya ay rasaas ku rideen Askarta NISA ee ku sugan Koontarool KM4 kadib markii ay u diideen inay bartaasi ka gudbaan, xili dhaawacyo ay wadeen.

Taliyaha Ciidamada Uganad ee qeybta ka ah holwgalka AMISOM Brig Paul Lokech ayaa la socday Kolonyada xilligaasi ay wadeen dad ku dhaawacmay weerarkii Al shabaab habeenkii Jimcaha ka fulisay nawaaxiga Villa Soomaaliya.

AMISOM ayaa qirtay in si qaldan ay wax u dhaceen, islamarkaana rasaasta ay billaabeen Ciidamada NISA ee ku sugan Barta Koontarool, taasi oo keentay inay jawaab ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM