Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka, Axmed Tareedishe ayaa sheegay in dagaal culus oo saacado badan qaatey oo ka dhacay duleedka Buulo-Burte inay ku dileen 24 kamid ahaa Al-Shabaab.

Taliye Tareedishe ayaa xusay in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda oo ku jira howlgal amni ay la kulmeen weerar gaadmo ah, kaasoo sida uu sheegay ay iska-caabiyeen, islamarkaana ay dileen xubno badan.

Wuxuu shaaciyay inay socdaal howlgallo la isagu furayo wadooyinka isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo mudo sanado ah Al-Shabaab ay ku haysay go'doomin, iyadoo aan jirin magaalo u furan degmo kale.

Howlgallada ayaa imaanaya xili HirShabeelle doorasho kusoo dhawdahay, sidoo kalena la qorsheeyay in December ay dalka ka billaaban doonto doorashadda heer Federaalka, oo Xildhibaanada lagu dooraan doono nidaamka 4.5.

Amniga Soomaaliya ayaan la isku halleyn karin, sidaas darteed waxaa lagu heshiiyay in lagu qabto doorashadda Baarlamanka labo magaalo maamul kasta, magaalo madaxda iyo tan labaad ee ugu wayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM