Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo Baraawe ka dhacay

Image
Dadka deegaanka ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Inta la hubo ku dhawaad toban qof ayaa ku geeriyooday dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ka dhacay Baraawe.

Dagaaladaan ayaa u dhaxeeya ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Daraawiishta koonfur galbeed ee Soomaaliya iyada oo aan la ogayn sababta dhabta ah ee dagaalka.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ee maamulka Koonfur galbeed, Maxamed Ibraahim Bare oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhawaad toban qof ku dhinteen.

Barre oo sii hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay xabad joojiyaan isla markaana la kala qaadayo ciidamada.

Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku haya madaxtooyada koonfur galbeed ee Baraawe iyada oo ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan ay yihiin kuwii horey halkaasi ugala wareegay.

Dadka deegaanka ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan iyaga oo ku tilmaamay kuwa hab beeleed u abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM