Dagaal lala xiriiriyey dowladda oo ka qarxay Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan hal qof ayaa waxaa la xaqijiyey in uu ku geeriyoodeen tirro kalana way ku dhaawacmeen dagaal mar kale maanta ka qarxay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Isku-dhaca oo xalay ka bilowdey xaafadda Nuur-xawaad degaanka Ceel Gaal ee duleedka magaalada ayaa u dhaxeeya milatariga iyo maleyshiyaad la magac-baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Shaafici Maxamed Yuusuf, afhayeenka maleyshiyaadkaas uu hogaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, ayaa cawaaqibka iska-hor-imaadka dusha u saariyey hogaanka dowlad goboleedka.

Yuusuf oo xaqiijiyey in dhankooda uu hal qof ka geeriyoodey ayaa tibaaxay in aysan hubin waxyeelada soo gaartey dadka shacabka ah iyo cutubyada ciidanka xooga ee ay fooda is-dareen.

Sida uu tibaaxay Yuusuf, xudunta dagaalkan waa in wasiiro ka tirsan HirShabelle ay qorsheynayaan in Axada maanta ah ku shiraan Beledwayne iyadda oo aan xal laga gaarin is-qabqabsi taagan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay gabtay doorka kaga aadanaa in ay ku wargelisay wasiiradda in aysan tagin magaaladan sida weyn looga diidey maamulka ay ku dhistey Jowhar.

"Xalka waxaa laga rabay dowladda federaalka ah oo maamulada ay dhamaantooda [hoostagaan] in ay bulshada isku keento. Dowladda iyadaaba duulaanka horkaceyso. Marka xalka xabada in la joojiyo waxaa diidey ayaga oo awood noola imaadey oo aad ogtihiin dad in ay xireen taasoo keentay in hadda mindida la iskuq qaato," ayuu u sheegay KNN.

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka maamulka HirShabelle. Sidoo kale, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeymaha kaga yimid maleyshiyada Xuud.

Gacan-ka-hadalka laga soo wariyey Beledwayne ayaa kusoo aadaya xilli Villa Soomaaliya ay dhowaan faragelisay wadahadal u socday hogaanka HirShabelle, Guudlaawe, iyo Jeneraalka awooda badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM