Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaala xuduudeedka Beledxaawo ee gobolka Gedo kuna taala sohdinta wadamadda deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lagu waramay in xalay uu ka dhacay dagaal xoogan.

Fahfaahinadda ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhaxeeyay ciidamadda dowladda federaalka iyo cutubyo kale oo uu hogaaminayey Wasiirka amniga gudaha maamulka Jubaland, Cabdirashiid Cabdinuur Janan.

Sidda ay soo wariyeen dadka degaanka, is-rasaaseynta ugu badan ayaa ka dhacdey xaafadda Golan iyo kastamka xuduudka labada dal.

Ciidanka uu horkacayo Janan ayaa, sidda ay xoguhu tibaaxayaan, waxay la wareegeen gacan ku haynta saldhiga booliska iyo xarunta degmadda – labadaan goob waxay kamid yihiin meelaha ugu muhiimsan.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan. Balse, wararka ayaa sheegaya in iska-hor-imaadka ka dhacay saldhiga booliska uu ku dhintay taliye ku xigeen halkaas ugu magacownaa dowladda federaalka.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in jabhad laga soo abaabulay Kenya ay kusoo duushay gobolka Gedo isla markaana ciidamadda xooga ay iska caabiyeen.

"Waxan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo," ayaa lagu yiri bayaankaas uu ku saxiixanaa wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dube.

Dhanka maamulka Jubaland, wali ma jiro qoraal rasmi ah oo ay kasoo saareen dagaalkaas ugana jawaabayaan sheegashadda xukuumadda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u weerartay gobolka Gedo kuna qabsatay ciidamo uu Turkiga ku tababaray caasimadda Muqdisho.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku geedaaman doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 maadaama ciidanka halkaas ay geysay dowladda aysan suurtagelineyn in ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Iska-hor-imaadkana ayaa dab kusii shidaya dedaaladda dhinacyada kala duwan ka socday ee la doonayey in lagu qaboojiyo xiisaddan, wallow madaxweyne Farmaajo dhowr jeer uu diidey in uu Jubaland ku wareejiyo gobolkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM