Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu khaarijiyey duqeyn dhanka cirka ah oo lagula eegtay nawaaxiga degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyey howlgalkaas oo la qaadey 28-kii Febraayo, 2020.

AFRICOM ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in uusan jirin waxyeelo dad shacab ah oo howlgalka kasoo gaarey.

"Iyaddoo la kaashanayo Dowladda Soomaaliya, waxaan laba duqeyn oo aan Al-Shabaab la beegsanay waxaan ku dilnay laba argagixisada ka tirsan," ayuu lagu yiri qoraalka oo uu arkay GO.

Dhinaca ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalka oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey adeegsigiisa awooda cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Sanadkii hore 2019, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 60 duqeyn dhanka cirka ah, waxaana 2020-ka la filayaa in ay korodho maadaama la dareemayo dardar aad u xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM