Dagaalka Al-Shabaab: Axmed Madoobe oo soo saarey digniin

Image
Image
Image
Image
Image
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu la hadlayay ciidamo loo diyaariyey in ay qaadaan guluf milatari.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo lagu naafaynayo cadowga khawaariijta ah ee banaystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayuu ka dhawaajiyay in ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Marka deegaanada la xoreeyo kadib ayuu xusay in ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Argagixisada ayuu tibaaxay lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Xamza Abdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib tirka argagixisada taas oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM