​Dagaallo ka dhacay nawaaxiga Kismayo

Image

KISMAAYO, Somalia- Waxaa mar labaad maanta ka dhacay deegaanka Goobweyn dagaal culus, oo u dhaxeeyo ciidamada maamulka Jubbaland, oo garab ka helaya AMISOM iyo mallayshiyaad katirsan Al shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay weerarka ciidamada isku-dhafka ah ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan deegaanka Yoontooy, oo qiyaastii 13KM dhanka galbeed uga beegan magaalada xeebta leh ee Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay GO inay maqlayeen qaraxyo dhowr ah iyo hubka culus, iyadoo dhanka hawadana ay ku arkayeen diyaarado dagaal, oo loo malaynayo inay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Wararka ayaa sidoo kale xusaya in dagaal kaasi lamid ah uu ka dhacay deegaanka Goobweyn, oo aan sidaasi uga fogeyn Yoontooy halkaasi oo isku fara-saareen ciidamada Ethiopian iyo Malleeshiyada Al shabaab.

Saraakiisha Al shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan 3 askari, oo aysan sheegin dalalka ay u dhasheen ku dileen dagaalka mudada labada maalmood ka dhacay deegaanada Yoontoy iyo Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose.

Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin dagaalka, balse waxay dhawaan sheegeen inay billaabeen howlgallo military, oo Kooxda Al-shabaab uga saarayaan deegaanada gobolada Jubbooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM