Dalab uu Ruushka hor-dhigay Soomaaliya oo lasoo bandhigay

Image
Diblumaasiyiin codsadey in aan magacyadooda la sheegin ayaa daaha ka rogay yaboohan.

MOSCOW, Russia - Diblumaasiyiin Soomaali ah ayaa Jimcihii sheegay in Ruushka uu dalbaday in uu ka caawiyo ciidamada dowladda federaalka ah dagaalka ay kula jiraan dagaalameyaasha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Diblumaasiyiintan oo codsaday in aan magacooda la shaacin sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay la hadlaan warfidiyeenka, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu dalabkaas kusoo bandhigay wadahadal uu kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, oo ka dhacay magaalada Moscow.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa yiri: “Ruushka wuxuu diyaar u ahaa inuu ciidanka Soomaaliya siiyo saadka milateri, si loo xoojiyo dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab".

Dublamaasiyiintu ma aysan qeexin noocyada agabka uu Ruushku u yaboohayo Soomaaliya, oo ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay ay saartay muddo dheer.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyntan ku soo rogay 1992-kii ka dib markii ay dillaaceen dagaal sokeeye iyo rabshado kooxeed.

Cunaqabateynta ayaa qeyb ahaan waxaa la qaaday sanadkii 2013-kii si ciidamada amaanka Soomaaliya looga caawiyo la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ah.

Dhanka kale, Lavrov ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday xiriirka dheer ee labada dal, kaasoo dib ugu soo laabanaya aqoonsiga degdegga ah ee Midowga Soofiyeeti ee Soomaaliya ka dib markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.

Si lamid ah, labadda wasiir ayaa waxay isla soo-qaadeen u diyaar garowga shirka Ruushka iyo Afrika ee lagu wado inuu dabayaaqada bisha July ka dhaco magaalada St. Petersburg.

Dalabka Ruushka ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 110 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024 taasoo Muqdisho kula wareegeyso mas'uuliyada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM