Dalal "joojiyey" lacag ay siin-jireen DF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadamo kamid ah daneeyeyaasha Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa hakiyey dhaqaalihiii ay siin jireen dowladda Soomaaliya, sidda uu shaaca ka dhigay Ra'iisul Wasaarihii 19aad ee waddanka.

Xasan Cali Khayre oo kamid ah musharaxiinta u taagan tartanka madaxtinimada 2020-21 ayaa tilmaamay in go'aankaas uu la xiriiro is-qabqabsiga ka taagan coddeynta la madalsan yahay in uu waddanka u dareero.

Isaga oo ka hadlayey kulan Golaha Midowga Musharaxiinta ku yeeshay Muqdisho, Khayre oo aan soo bandhigin magacyada dalalkaas iyo tiradooda ayaa rumeysan in qaadida xayiraada lacagtaas ay qaadan karto sanado badan.

"Dalkan wuxuu ku nool-yahay taageero dhaqaale oo uu ka helo Beesha Caalamka. Taageeradaas dhaqaale ee Beesha Caalamka dalkan uu ka helo, doorashadda caawa lagu muransan yahay awgeed ayaa dalal kamid ah Beesha Caalamka u joojiyeen lacagtii dowladda lagu kaalmeynayay; in lasoo furana waxaa laga yaabaa sanado qaadato," ayuu Khayre ka yiri munaasabada.

Sidda laga soo xigtay Khayre, sidoo kale dowlado ayaa joojiyey taageeradii ay siin jireen ciidamadda Soomaaliya taasoo isugu jira qalabeyn iyo mushaharkooda.

"Dowladda Soomaaliya ciidankeeda waxay taageero uga baahan yihiin dalal kamid ah Beesha Caalamka oo qalab iyo dhaqaalaba ku bixiya. Doorashadda lagu muransan yahay awgeed ayaa la joojiyey qaar kamid ah caawinaadii ciidanka la siin jiray waa in la idin sheegaa waxa dalkiina ka socda," ayuu ku daray.

Maadaama ay shacabkooda canshuur ahaan uga soo qaadaan, dowladaha caalamka ayuu tibaaxay in aysan diyaar u ahayn in ay dhaqaalahooda siiyaan "dowlad qabatay doorasho aan la isla ogoleyn".

Hadalka musharaxa Khayre ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadalheyn in Midowga Yurub uu u joojiyey taageerada dhaqaale ee Dowlada Soomaaliya sababo ay kamid tahay ku xadgudubka xorriyadda hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles