Dalal laga codsadey in ay dib u furaan safaaradahooda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa wadamada xubinta ka ah ururka IORA waxay ka codsatay in ay dib u furaan safaaradahooda Muqdisho.

Dalabkan ayaa waxaa Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda xukuumada federaalka wuxuu ka sheegay kulankii saddexaad oo ay yeeshan xubnaha ururkan.

Cabduqaadir Axmed Kheyre ayaa waxa uu khudbad ka jeediyey isu imaatinka oo ka dhacay magaaladda Dhaka ee dalka Bangladesh, asbuucii hore.

Shirkaasi oo maalmo socdey ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa fursadaha ka jira Badda Cas ah loona joogteyn dhaqaalaha laga helo.

Ururkan oo ah mid quseeya arrimaha Badda Cas ayaa waxaa la aas-aasey bishii Maaj ee sanadkii 1995-tii; waxaase si rasmi ah loogu dhawaaqay 1997-dii.

Sida ku xusan Axdiga ay saxiixeen xubnaha ururkan, waxa uu jeedkiisu yahay sidii wadamada gobolka ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha dhaqaalaha.

Wadamada xubinta ka ah ayaa waxay kala yihiin;

Australia, Bangladesh, Comoros, India, Indonesia, Iran, Kenya, Madagascar, Malaysia, Mauritius, Mozambique, Oman, Seychelles, Singapore, Somalia, South Africa, Sri Lanka, Tanzania, Thailand, Imaaraadka iyo Yemen.

Wadamadan qaarkood ayaa waxaa shaqeeya howlgaladooda diblumaasiyaded ee dalka, halka qaarkood aysan dib boorka uga jafin tan iyo dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, waana kuwaasi kuwa ay fariinta ku socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM