Dalalka ciidamada ku leh AMISOM oo digniin loo diray xili ay xiisad jirto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin horleh u dirtay wadamadda ciidamada ku taageeray Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM xili ay taagan tahay xiisad xoogan.

Xukuumadda Muqdisho ayaa dalalka u sheegtay in aysan ka ogolaan doonin in ay kaalintooda howlgalka u adeegsadaan wax ka baxsan waajibaadka iyo hadafka ay kolkii hore kaga mid noqdeen.

Sidda ku xusan habraaca howlgalka, waajibaadka talisku waa la dagaalanka dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo soo celinta nabadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa digniintaan diray kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey VOA-da.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili dhowaan qoraal kasoo baxay wasaaradiisa loogu digay Kenya in ay doorkeeda AMISOM u adeegsato arrimo siyaasadeed iyo faragelinta gudaha Soomaaliya.

"Qoraalka ma khilaafsana ciidamadda Kenya…ciidamadda Kenya waxay kamid yihiin AMISOM, waxay kamid yihiin ciidamadii Soomaaliya ku garab istaagey la dagaalanka argagixisada oo dad badan uga dhinteen, marka ciidamadaas aad ayaan ugu daymeysan nahay abaal badan baanu u haynaa Kenya iyo ciidamadooduba sidda ciidamada dalalka kale sidda walaalaheen Jabuuti, dalka Itoobiya iyo Burundi, Uganda intaba," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Laakiin, mabda'a ah ciidamadda AMISOM waa in ay mandate-kooda ku ekaadaa, iyaddana waa mabda' dal qaranimadiisa ilaashanaya sidda annaga oo kale uu yiraahdo hadii uu dareemo in xiriirka dalkaas kale uu soo xumaanayo".

Iyaddoo Kenya ay xustay in ay bilaabeyso wadahadalo ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, safiirkii hore ee dalka u joogay Mareykanka ayaa meesha ka saarey in xukuumadiisa ay ka dambeyso arrintaas.

"Marka hadda ma jirto qorshe Soomaaliyeed oo dhahaya ciidamadda Kenya ha baxeen ama AMISOM kama mid ma aha, laakiin waa waajib, waana idin in leyska fahmo Kenyaankuna ay fahansan yihiin haduun kuna fahansan yihiin in ciidamadda AMISOM ay mandate leeyihiin, sidaas daraadeed ay mandate-kooda ku ekaadaan, hadii uu yimaadana khilaaf waa la xusuusinayaa," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Taliska AMISOM oo ka kooban boolis iyo milatari ayaa in ka badan tobban sano ka howlgalaya wadanka. Wallow ay gaareen guulo, haddana waxaa la aaminsan yahay in ay ku guuldareysteen tirtirka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM